Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyay Deegaanno lagu arkay Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanno dhaca inta u dhaxeysa Kismaayo iyo Afmadow, halkaas oo lagu arkay dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Howlgalkan ayey ciidamada huwanta ah si gaar ah uga sameeyeen tuulooyinka Harboole, Miido, iyo Biib oo ku dhaw deegaanka Janaay Cabdalla, waxaana halkaasi la sheegay in xubno katirsan Al Shabaab ku sugnaayeen.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysay ayaa sheegay in tuulooyinka ay tageen ku sugnaayeen xubno katirsan Al Shabaab oo dadka shacabka ah ka qaadanayay lacago baad ah sida ay tilmaameen.

Waxa ay sheegeen saraakiisha in Al Shabaa khasaaro lagu gaarsiiyay howlgalkan ciidanka fuliyeen, waxa ay sidoo kale xuseen in dad shacab ah ay halkaasi ku xayireen Al Shabaab in ay kasii daayeen.

Ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa kumaandooska Danab ayaa maalmahan kordhiyay howlgalada ay ka fuliyaan duleedka Kismaayo, ciidankan ayaana la sheegay in ay bur buriyeen goobo badan oo Al Shabaab ku sugnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Donald Yamamoto iyo Xog ku aadan Waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Guddiga doorashada Federaalka oo kormeeray hoolka ay ka dhaceyso doorashada Kismaayo

Caydiid Ali

Haweeney wadatay Biskoolad ka sameesan Dahab oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---