Allbanaadir.com
NEWS

Ciidankii ku dagaalamay magaalada Garawe oo lakala qaaday iyo Waan waan socota

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in xaalada saakay ay degan tahay, kaddib dagaalo dhiig badan ku daateen oo shalay ilaa xalay ka socday magaaladaasi.

Isimadda maamulka Puntland gaar ahaan kuwa Garawe ayaa ku guuleestay in ay xabbad joojin kala dhax dhigaan dhinacyada dagaalamaya, waxa ay sidoo kale Isimadda ku guuleesteen in lakala qaado ciidamada magaalada ku dagaalamay.

Waxaa socda waan waan ay hormuud u yihiin isimadda Puntland ,kuwaa oo ka shaqeenaya sidii xabbad-joojin rasmi ah dhinacyada ugu heshiin lahaayeen, sidoo kale khilaafka siyaasadeed ee taagan wadahadal loogu bedeli lahaa.

Dadkii ka qaxay magaalada Garawe qaarkood ayaa si teel teel ah magaalada ugu soo laabanaya, waxaana wali shacabka dareemayaan cabsi la xariirta in ay mar kale dhinacyada is haya dagaalamaan.

Magaalada Garawe ayaa la filayaa in ay soo gaaraan qaar kamid ah Isimadda iyo waxgaradka caanka ah Puntland, kuwaa oo qeyb ka noqonaya xal u helida xiisada siyaasadeed ee sababtay dagaalka .

Eheladda dadkooda ku dhinteen dagaalkii shalay ilaa xalay socday ayaa saakay fursad u helay in dadkooda aastaan, waxaana jira jira khasaaro badan oo shacabka kasoo gaartay dagaalka saacadaha badan socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh Maxamuud oo Baaq u diray Madaxda Dowlada Soomaaliya

Cabdi Cade

Beesha Karanle oo taageertay Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug iyo Dadaalada Kheyre (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday ajendayaal xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---