Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Musuq lagu eedeeyay oo ka dhawaajiyay Hadallo Carro badan abuuray

Dalka Kenya waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa wasiirka Ganacsiga dalkaasi Moses Kuria iyo mid kamid ah warbaahinta ugu caansan Kenya, waxa uuna wasiirkan ka dhawaajiyay hadallo ay dhibsadeen warbaahinta iyo saxafiyiinta.

Warbaahinta Nation ayaa dhawwaan baahisay warbixin la xariirta musuq maasuq uu ku lug leeyahay wasiirka Ganacsiga, waxa ayna warbixintan keentay in wasiirka ka carrooday uuna dhankiisa weerar ku qaado warbaahintaasi.

Wasiirka ayaa bartiisa Twitterka kusoo daabacay hadallo aad loo dhibsaday uu ku weerarayay wargeyska Nation, waxa uu sidoo kale wasiirka dadka ugu baaqay in warbaahintan aan loo geysan xayeysiin.

Moses Kuria ayaa qoraal kale uu soo dhigay ku shaaciyay in uu soo bandhigi doono magacyada saxafiyiin oo eedeenayo, taa oo si weyn uga carreesiisay warbaahinta iyo wariyaasha qaar.

Hay’adaha difaaca xuququda saxaafadda ee Kenya ayaa ka carooday hadal laga soo xigtay wasiirka ganacsiga Moses Kuria , waxa ayna hay’addan ku tilmaantay hadalada wasiirka kuwa aan ku habooneyn in qof masuul ah uu ku hadlo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku dhintay dayuurad ku gubatay garoonka Sheremetyevo (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw Fariin xasaasi ah u diray ciidanka Milatariga

Cabdi Cade

Ciidamo amar culus la siiyey oo saaka lagu daadiyey Suuqyada Boosaaso (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---