Allbanaadir.com
NEWS

Wiilka madaxweyne Joe Biden oo qiranaya Saddex Dambi oo lagu soo oogay

Wiilka uu dhalay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo lagu magacaabo Hunter Biden, ayaa heshiis la gaaray waaxda caddaaladda si uu u qirto saddex eedeymo oo la xiriira canshuur iyo mid kale oo hub federaal ah, heshiiskaas oo aysan u badneyn in xabsiga loo taxaabo.

Sida ku cad dukumeenti maxkamadeed oo la gudbiyay Talaadadii, wiilka madaxweynaha oo 53 jir ah, oo muddo dheer ay dillootay daroogada nooca cococaine-ta iyo baaritaan la xiriira ganacsigiisa uu la leeyahay ajnabiga, ayaa qiran doona laba eedeymo oo ah inuusan bixin wakhtigii lacaga canshuur ah oo lagu lahaa sannadihii 2017 iyo 2018.

Heshiiskan ayaa waxaa ka wadahadlay dhowr bilood qareennada Hunter Biden iyo David Weiss, oo ah xeer ilaaliyaha Mareykanka ee bariga gobolka Delaware, oo uu magacaabay madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Bayaan uu soo saaray, qareenka Hunter Biden, Christopher Clark wuxuu ku yiri: “Iyadoo lagu dhawaaqayo laba heshiis oo u dhexeeya macmiilkayga, Hunter Biden, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Mareykanka ee Degmada Delaware, waxaan fahamsanahay in baaritaankii shanta sano ee ku saabsan Hunter la xalliyey.”

Weiss ayaa markii dambe sheegay in baaritaanku uu “socdo.”

Trump iyo xubnaha xisbiga Republicans-ka ee Aqalka Wakiilada ayaa muddo dheer raadinayay inay ku xiraan heshiisyada ganacsiga ee Hunter Biden ee dibedda ee Ukraine iyo Shiinaha eedeymaha dhaqaale ee qoyska Biden.

Source Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Carabta oo ka hor yimid dalab ka yimid Trump

Caydiid Ali

Taliye ku xigeenkii hore ee hay’adda Nabad sugidda oo ka hadlay arimo Xasaasi ah

Cabdi Cade

Sacuudiga oo baaraya Fadeexad soo wajahday Booliska dalkaas (Sawirro+Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---