Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Beesha caalamka oo Baaq deg deg ah ka soo saartay dagaalka Garowe

WAR-SAXAAFADEED

Saaxiibada beesha caalamka* waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.

Khatarta isa soo taraysa ee dhawaanahan waxay halis gelinaysaa natiijadii wanaagsanayd ee laga gaaray doorashadii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay. 

Related posts

Madaxweyne Muuse Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay Karin Johansson

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni & Danjire Ben Fender oo ka wada hadlay doorashooyinka Soomaaliya

Caydiid Ali

Haweeney ku dhuumatay Diyaarad oo lagu qabtay Paris

Cabdi Cade
Taboola Ads ---