Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Puntland oo ka hadashay dagaalkii Garowe iyo Isimo Waanwaan bilaabay

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa ka hadlay dagaalka maanta dhacay ka Garoowe oo dhexmaray ciidamo kala taanacsan maamulka Deni iyo siyaasiyiin mucaarad ah

Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ciidamada dowladda lagu soo weeraray xarunta baarlamaanka oo uu sheegay in duulaan lagu soo qaaday, iyaguna ay iska difaaceen.

Taliye Muumin ayaa tilmaamay talaabooyin badan u qaadeen xal nabad-raadin ah mudooyinkii la soo dhaafay, balse ay ka socon waayeen dhinaca kasoo horjeeda oo uu ku eedeeey inay wiiqayaan amniga iyo horumarka Puntland.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamadii taageersanaa mucaaradka ay ka saareen inta badan magaalada, sidoo kale ay qabteen hub iyo maxaabiis.

Taliyaha Booliska Puntland kama hadlin khasaaraha uu sababay dagaalka hase ahaatee waxaa uu sheegay in ay hadda xaaladu degan tahay, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan Nabada.

Dhinaca kale qaar ka mid ah isimida Puntland ayaa sheegay in labada dhinac ay ka ogolaadeen xabad joojin iyo in la wada hadlo, ciidamadii dagaalamayna lakala qaaday.

“Labaada dhinac waa naga aqbaleen wadahadal, Ciidamadana xarumahoodii baan ku celinay, Sidaaseyna xabad joojintii aan galney u hirgashey” ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed oo la hadlay warbaahinta

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 30 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Ciise Guure oo kala hadlay Bradley David Mashaariic laga fulinayo Dayniile iyo Degmooyin kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo digniin adag u dirtay Shirkadaha Isgaarsiinta & Internetka

Caydiid Ali

Rag dilal arxan-daran geestay oo saakay xukun dil ah lagula fuliyay goob fagaare ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---