Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Washington (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Alshabaab.

Waxa uu Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka  islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo Alshabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa  kulammo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa  taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso  xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal Afrikaan ah oo Canshuur kusoo rogaya dadka isticmaala baraha bulshada

Cabdi Cade

Maxkamada Gobolka Bay oo xukuntay nin kufsaday gabar yar oo 9 sano jir ah

Caydiid Ali

Degaano ay ku sugan yihiin Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo cirka laga duqeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---