Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta kulan dhexmaray Guuleed & danjire Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad (Sawirro)

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia  qaabilsan Arrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kula kulmay Magaalada Muqdisho Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad

Waxay ka wada hadleen xoojinta wadahadallada DFS iyo Somaliland. Safiirka ayaa soo dhaweeyay dedaalada uu wado Xafiiska Ergeyga.

“Waxaan kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, kullanka ayaan diirada ku saarnay iskaashiga labada dal, iyo wada-hadallada DFS iyo Somaliland” ayuu yiri Guuleed.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia u  qaabilsan Arrimaha Somaliland ayaa Yiri

“Waxaan Safiirka uga warbixiyay dedaalada lagu xoojinayo wadahadallada DFS iyo Somaliland, iyo sida ay Dowladeenu uga go’antahay xal u helida Arrimaha Somaliland, dhigiisa Safiirka ayaa noo muujiyay in ay Dowladda Sacuudiga diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerida wadahadallada DFS iyo Somaliland”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajaaniib la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo lagu qabtay Dhoobley (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay nin gaadiidka Qaraxyada ku xiri jiray

Cabdi Cade

COVID-19: Dowlada Somalia oo soo saartay go’aanno ku socda Masaajidada (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---