Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo: Boqor Burhaan oo Baaq deg deg u diray Madaxweyne Deni iyo Mucaaradka

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka tirsan odayaasha dhaqanka ee sida weyn looga xushmeeyo Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Garowe.

Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Baarlamaanka Puntland uu meel mariyey qorshaha Deni ku doonayo furista iyo wax ka bedelka dastuurka Puntland, taasoo ay si weyn u diideen Mucaaradka iyo siyaasiinta.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay in agu jiro bishii xurmada laheyd ee Dul-xijah, isagoo ugu baaqay dhinacyada is haya iney dagaalka joojiyaan, wixii khilaafaad ah ee jirana ku dhameeyaan miiska wadahadalka.

“Wixii maanta ka dhacay Garoowe waa wax aad looga xumaado, waxaa lagu jiraa bishii xurmada, waxaan ku baaqayaa in dagaalka la joojiyo, xal ma keento xabbadu wadahadalka & miiska ha loo soo noqdo” ayuu yiri Boqor Burhaan oo tacsi u diray qoysaska iyo ehelada dadka ku naf waayey dagaalka, isagoo kuwa dhaawaca ahna ALLE uga baryey inuu u booga dhayo.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay isimada Puntland iney si degdeg shir isugu yimaadaan, si loo dejiyo xiisada iyo colaada ka taagan magaalada Garowe, isagoo maamulka Puntland iyo Mucaaradka ugu caqli celiyey iney u turaan shacabka masaakiinta ah ee ay masuulka ka yihiin.

Ku dhowaad ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

HOOS KA DAAWO HADALKA BOQOR BURHAAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Villa Somalia oo ka jawaabtay eedeymo culus oo kaga yimid Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo u yeertay danjiraha Kenya, kana dalbatay jawaab cad (Akhriso)

Caydiid Ali

Midowga Africa oo dalbaday in ciidamada AMISOM aan xiligan laga saarin Somalia

Caydiid Ali