Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalka Garoowe iyo Khasaaraha nafeed ee ka dhashay

Ku dhowaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 40 kalena way ku dhaawacmeen Dagaalo maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ku dhexmaray ciidamada Maamulka iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka.

Iska hor-imaadka ayaa hadda u muuqda mid sii qaboobaya waxaana rasaas goos goos ah laga maqlayaa xaafadaha qaarkood inkastoo xiisada dagaalka ay weli tahay mid xooggan,

Dagaalka ayaa looga soo horjeeday talaabadii maanta xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku ansixiyeen wax ka beddelka dastuurka oo ay ku muransan yihiin Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Qoraal ka soo baxay Baarlamanka ayaa lagu sheegay in fadhigii maanta oo ay xaadir ahaayeen 35 xubnood ay 34 ka mid ah u codeeyeen wax ka beddelka dastuurka hal mudane keliya ah ka aamusay.

Xaaladda Garoowe ayaa weli kacsan waxaana laga qaxay xaafadaha qaarkood gaar ahaanna aagaga uu dagaalka ka dhacay, iyadoo ay jirto cabsi xoogan oo laga qabo in dagaaladu sy sii xoogeystaan.

Labada dhinac ee dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah midna weli kama hadlin dagaalka oo socday mudda saacado ah, waxaana goobaha Caafimaadka buux dhaafiyey ehelada dad shacab ah oo waxyeelo ka soo gaartay dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Basaaskii ugu xirfadda badnaa Al Shabaabka Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare & wufuud kale oo Garowe gaaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali