Allbanaadir.com
NEWS

Askari katirsan Milatariga Itoobiya oo dad Shacab ah ku laayay magaalada Qabridahar

Askari katirsan ciidanka milatariga federaalka dalka Itoobiya ayaa dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geestay magaalada Qabridahar ee xarunta gobolka Qorraxeey ee dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sida aan wararka ku helnay askarigan ayaa saakay magaalada Qabridahar ku toogtay afar qof oo saddex kamid ah rag yihiin halka mida kalana tahay haweeney, waxa uu sidoo kale dhaawac u geestay dhowr qof oo kale.

Dadka uu dilay askarigan katirsanaa milatariga Itoobiya waxaa ku jiray guddoomiyaha xaafadda Lixaad ee maamulka magaalada Qabridahar, lamana shaacin ilaa hadda sababta uu askarigan u dilay dadka shacabka ah iyo masuulka maamulka katirsanaa.

Ciidamo katirsan milatariga Itoobiya oo goobta ku sugnaa ayaa isku dayay in ay gacanta ku dhigaan askariga dilka geestay, hasa ahaatee iska hor imaad uu ciidanka kala hortagay ayaa keentay in isla goobta ciidamada ku dilaan.

Maamulka dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano la xiriira kiiskan dilka ah, maamulka ayaana sheegay in khubaro loo xil saaray in baaris ku sameeyaan dilkan aragagaxa lahaa ee ka dhacay magaalada Qabridahar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Barxada baarkinka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Qalabka lagu baaro COVID-19 oo Mqudisho la keenay iyo Wasiirad Fowsiya oo ka hadashay

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Puntland oo shir muhiim ah yeeshay iyo Axmed Karaash oo guddoomiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---