Allbanaadir.com
NEWS

Cali Jeyte oo Shaaciyay in xil ka qaadistiisa kaddib Al Shabaab qabsadeen deegaanno cusub

Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan oo wareysi bixiyay ayaa sheegay in Al Shabaab bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan gobolka Hiiraan, kaddib xil ka qaadistii maalmo kahor lagu sameeyay.

Cali Jeyte ayaa sheegay in ay ku guuleesteen in Al Shabaab inta badan ka saareen gobolka Hiiraan, waxa uuna sheegay in labo maalin kaddib markii xilka laga qaaday Al Shabaab lagu arkay deegaanno horey uga saareen.

”Hadda ayey Al Shabaab dib u qabsadeen deegaanno Hiiraan katirsan, laamiga madow ee wabiga Shabelle dhinaciisa mara ee u dhaxeeya Baladweyne, Buuloburte iyo Jowhar hal meel ay ka joogeen Shabaab ma jirto, waxa ay ku ekaayeen wabiga Shabelle, haddana dhagaxa Gaduudan ee qeybiya cadduunka iyo dooxada meeshii ay dadkana ku laayeen baabuurtana ku gubeen ayey joogaan, wey qabsanayaan dib ayeyna dhulka u qabsanayaan” Ayuu yiri Cali Jeyte.

Cali Jeyte ayaa sheegay in isaga oo gacan ka helaya dadka deegaanka ay hortaagnaayeen in Al Shabaab dib ugu soo laabtaan deegaannadii laga saaray, waxa uuna xusay in dagaalkii ay bilaabeen uu horseeday in uu galo Sh.Dhaxe ilaa Galgaduud.

Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa sheegay in uusan diidaneyn in xilka laga qaado, waxa uuna sheegay in aysan jirin xafiis iyo xarun dowlo uu hadda ku wareejiyo guddoomiyaha la magacaabay, waxa uuna xusay in xarumihii maamulka Al Shabaab bur buriyeen.

Cali Jeyte ayaana ka meereesteen in uu la shaqeenayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan loo magacaabay, waxa uuna marar kala duwan oo su’aal laga weediiyay in uu xilka ku wareejinayo guddoomiyaha la magacaabay bixiyay jawaabo kale.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa dhawwaan si cad u diiday xil ka qaadistii lagu sameeyay , waxa uuna ku dhawaaqay in aysan aqoonsaneyn Hirshabelle ayna sameesanayaan maamul cusub oo la yiraahdo Hiiraan State.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xogta kulan dhexmaray Wasiiru dowlaha A/Dibadda DF & dhigiisa Dr. Mohamed Al-Khulaifi

Caydiid Ali

(Akhriso) Madaxweyne Deni oo ka farxiyey Maxaabiis ku xiran xabsiyada Puntland

Caydiid Ali

Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay saraakiisha qaybta 6-aad ee ciidanka ATMIS?

Caydiid Ali