Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay wax-kabadalka Dastuurka xilli Dagaal uu socdo (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Garaad Cawl oo ay weheliyaan kuxigeennadiisa, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 52-aad golaha Wakiillada Puntland.

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa soo jeedinta wax- ka bedelka Dastuurka maamulka Puntland oo ay golaha u soo gudbiyeen guddiga gaarka ah ee falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka  Puntland.

Kulanka maanta yeesheen golaha wakiiladda Puntland oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa soo xaadiray 35-mudane, waxa ayna xildhibaannada dood adag ka yeesheen wax ka bedelka Dastuurka Puntland.

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha golaha wakiiladda, waxaa oggol ugu codeeyay 34 mudane, diidmo 1 Mudane, cid ka aamustayna majirin, waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta wax-ka-bedelka Dastuurka.

Wax-kabedelka golaha wakiiladda Puntland ku sameeyeen Dastuurka maamulkaasi ayaa imaanaya xilli dagaal uu ka socdo qeybo kamid ah magaalada Garawe, dagaalka ayaana sabab u ahaa wax-kabadalka baarlamaanka ku sameeyeenDastuurka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Nairobi iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo ansixiyey go’aanka ay Somalia ugu biirtay COMESA (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Safaaradii Itoobiya ku laheyd Asmara oo 20-sano kadib dib loo furay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---