Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalkii ka qarxay Garawe iyo Puntland oo eedeesay DF

Waxaa barqonimadii saakay dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland  iyo ciidamo kale oo taabacsan mucaarad uu ka qarxay agagaarka xarunta baarlamaanka Puntland ee magaalada Garawe.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka Puntland bilaabeen ka doodista qodobkii muranka badan ka taagnaa ee furista dastuurka Puntland, kaa oo si weyn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka .

Sida aan wararka ku heleyno dagaalka ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo dhinacyada dagaalamaya, waxaana wali adag in si dhab ah loo ogaado khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka ka dhashay.

Rasaas culus ayaa wali laga maqlayaa xaafado katirsan magaalada Garawe, waxaana magaalada soo galaya ciidamo badan , dadka shacabka ayaana dhankooda wada in ay isaga barakacaan magaalada.

Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa ku eedeesay xiisada ka taagan magaalada Garawe dowladda federaalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir in DF gadaal ka riixeyso xiisada taagan.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda dowladda dhaxe oo adeegsanaya siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland hurinayaan colaad ayna doonayaan in ay wax u dhimaan nidaamka iyo dowladnimada ka jirta Puntland.

Dagaalka saakay ka qarxay magaalada Garawe ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay magaaladaasi ka jirtay xiisad ka dhalatay qorshaha baarlamaanka Puntland ku furayaan dastuurka maamulkaasi u degsan, kaa ay kasoo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada dowlada oo Awood u adeegsaday dad Muqdisho ka dhigayay banaan bax (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Liiska Musharaxiinta rasmiga ah ee Madaxweynaha Puntland oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Sababta Eritrea u ceyrisay safiirkii Sudan oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---