Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo cusub oo Gabdho ku jiraan oo kamid noqonaya Ilaalada Deegaanka Xamar (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday ciidamo cusub oo ku biiraya ilaalada deegaanka Xamar, kuwaasi oo dhawwaan tababar loo furi doonno.

Ciidamadan cusub ee ku biiraya ilaalada deegaanka Xamar ayaa  u badan dhallinyarada wax ku bartay dalka, kuwaa oo go’aansaday in ay qeyb ka noqdaan ciidamada deegaanka oo markii hore u badnaa kuwa aan waxbaran.

Guddoomiye Madaale ayaa ciidamadan kula dar-daarmay in ay summad u noqdaan anshax wanaagga iyo wada-shaqeynta ciidanka iyo shacabka, taas saldhig u ah qorshaha maamulka Gobolka ee ku aaddan dowlad-wanaagga iyo kalsooni-gelinta shacabka.

Ciidamadan kamid noqonaya ilaalada deegaanka Xamar waxaa ku jira gabdho, waxa ayna ciidankan maamulka gobolka doonayaan in ay soo celiyaan sumcada ciidanka ilaalada  deegaanka Xamar .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano dhaawac ah & dad kale oo laga soo badbaadiyey hotelka SYL

Caydiid Ali

Weerar ismiidaamin ah oo goor dhow ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Soomaaliya ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari iyo dhiig daata ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---