Maxkamad kutaalla gobolka Tamil Nadu ee dalka Hindiya ayaa ku xukuntay xabsi daa’in nin dhallinyaro ah oo lagu helay in uu kufsi u geestay gabdho aad u badan , sidoo kale muuqaalo anshax darro ah uu ka duubay gabdhahaasi baraha internetka ku baahiyay.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Kashi ayaa kufsaday in ka badan 100-gabdhood oo u badan kuwa yar yar oo arday ah, waxa uuna gabdhahan uu si qarsoodi ah uga duubay muuqaalo anshax darro ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan gabdhaha ku handadi jiray muuqaalada uu ka hayo, waxa uu sidoo kale muuqaalada uu gabdhaha ka duubay qaarkood ku faafiyay baraha internetka , halka kuwa kalana uu keydsaday.
War kasoo baxay booliiska ninkan baaritaannada ku hayay ayaa lagu sheegay in moobeelkiisa lagu arkay in ka badan 1,900 oo sawir oo qaawan oo haween da’yar ah iyo in ka badan 300 muuqaallo gabdho qaawan ah.
Shacabka dalka Hindiya gaar ahaan gobolka Tamil Nadu ayaa si weyn usoo dhaweeyay xukunka adag ee ninkan lagu riday, waxa ayna ku baaqeen in si adag loo ciqaabo kuwa gabdhaha shirqoola dhibaatadana u geesta.