Shiinaha iyo Mareykanka ayaa ku heshiiyey inay dejiyaan xafiiltankooda xooggan si uusan u gelin colaad balse waxay ku guul-darreysteen inay soo saaraan wax horumar ah oo la taaban karo intii lagu jiray booqashadii naadirka ahayd ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken ku tagay Beijing.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa soo dhaweeyay “horumarka” ka dib markii uu ku gacan qaaday Blinken hoolka weyn ee madaxtooyada oo ah goob weyn oo inta badan loo qoondeeyay salaamaha Madaxweynayaasha.
Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka iyo Xi labaduba waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la yeesho xiriir xasilloon, maadaama khilaaf kasta oo u dhexeeya labada waddan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka uu abuurayo khalkhal caalami ah.
Si kastaba ha ahaatee, Shiinuhu waxa uu diiday inuu rabitaanka Washington ee ah inuu dib u bilaabo xiriirada isgaarsiinta ee milatariga, waxana uu caqabad ku noqday cunaqabataynta Maraykanka. Labada dhinac waxay u muuqdeen kuwo ku qotoma mawqifkooda wax kasta oo ka yimaada Taiwan ilaa ganacsi, oo ay ku jiraan ficilada Mareykanka ee ku wajahan warshadaha Shiinaha, xuquuqul insaanka iyo dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.
Mid ka mid ah waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee ay isweydaarsadeen Mareykanka iyo Shiinaha tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Joe Biden, ma cadda sida ay uga gudbi karaan khilaafkooda, laakiin waxay ku heshiiyeen inay sii wadaan howlahooda diblomaasiyadeed iyagoo booqashooyin badan isdhaafsanaya toddobaadyada iyo bilaha soo socda.
Shir jaraa’id oo uu ku soo gebagebeeyey safarkiisii laba maalmood qaatay ee Beijing, oo ahaa kii ugu horreeyey ee uu Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ku tago tan iyo sannadkii 2018-kii, Blinken waxa uu sheegay in Washington ay gaartay ujeeddooyinkeeda safarka, oo ay ka mid tahay inay si toos ah u soo bandhigto walaaceeda, iskuna daydo inay samayso waddo wada-hadal dhinacyada iskaashiga.
Safarkiisa ayaa dib loo dhigay bishii Febraayo ka dib markii buufin looga shakisan yahay basaaska Shiinaha uu dul maray hawada Mareykanka.
Balse waxa uu sheegay in horumarku aanu ahayn mid toos ah.
“Xiriirku wuxuu ahaa meel xasillooni darro ah, labada dhinacba waxay garwaaqsadeen baahida loo qabo in laga shaqeeyo sidii loo xasilin lahaa,” Blinken ayaa yiri ka hor inta uusan dalka ka dhoofin.
“Laakiin horumarku waa adag yahay. Waxay qaadataa waqti. Mana aha wax lagu gaari karo hal booqasho, hal safar, hal wadahadal.” ayuu yiri
Saraakiisha Mareykanka ayaa hoos u dhigayay rajada laga qabo in guul weyn laga gaaro wadahadallada, laakiin waxay rajaynayeen in booqashada Blinken ay u gogol xaarto shirar badan oo laba geesood ah bilaha soo socda, oo ay ku jiraan safarada suurtagalka ah ee Xoghayaha Maaliyadda Janet Yellen iyo Xoghayaha Ganacsiga Gina Raimondo.
Waxaa la filayay in xitaa ay u gogol xaarto shir madaxeedka Xi iyo Biden dabayaaqada sanadka.
Biden iyo Xi ayaa markii ugu dambeysay ku kulmay dhinaca shirkii G20 ee ka dhacay Bali, Indonesia bishii Nofembar, iyagoo ballan qaaday xiriir badan oo isdaba joog ah, in kasta oo xiriirkii tan iyo markaas uu ka sii xumaanayay Taiwan, eedeymo basaasnimo iyo walaacyo kale.
“Labada dhinac waxay sidoo kale sameeyeen horumar waxayna gaareen heshiis ku saabsan arrimo gaar ah. Tani aad ayey u wanaagsan tahay,” Xi ayaa u sheegay Blinken oo dul fadhiya miis dheer oo ay ku goglan yihiin ubax casaan ah.
Blinken ayaa ka jawaabtay isagoo sheegay in labada dal ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay maamulaan xiriirkooda, wuxuuna sheegay in Mareykanka uu “ka go’an yahay inuu arrintaasi sameeyo”.
Kulamadii uu ku yeeshay Beijing, oo ay ku jiraan wadahadal uu la yeeshay diblomaasiga ugu sarreeya Shiinaha Wang Yi iyo wasiirka arrimaha dibadda Qin Gang, waxay ahaayeen “mid hufan oo waxtar leh,” Blinken ayaa raaciyay.
Ma cadda hadalka Xi horumarka uu sheegayo, in kasta oo uu u sheegay Blinken in Shiinuhu “rajaynayo in uu arko xiriir sax ah oo Shiinaha iyo Maraykanka ah” oo uu rumaysan yahay in labada waddan “ay ka gudbi karaan dhibaatooyin kala duwan”, sida uu sheegay Shiinuhu..
Waxa uu sidoo kale ku booriyay Mareykanka in uusan “dhaawaceynin xuquuqda iyo danaha sharciga ah ee Shiinaha,” taasoo calaamad u ah meelaha sida Taiwan oo kale ah, jasiiradda Dimuqraadiga ah ee Beijing ay sheeganeyso inay iyadu leedahay.
Blinken ayaa soo hadal qaaday arrimaha la isku hayo sida Taiwan, xuquuqul insaanka, daandaansiga Kuuriyada Waqooyi iyo welwelka Mareykanka ee ku aaddan howlaha sirdoonka ee Beijing ee Cuba, ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda.