Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Musaveni oo qaadaya talaabo cusub ka dib askartii looga laayey Buulo mareer

Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay inuu Ciidamada Uganda ee ku  sugan  Soomaaliya u iibinayo dayuuradaha aan duuliyaha lahayn Drones-ka.

Museveni ayaa sheegay inay taageero xaga hawada ah ka  filayeen ciidamada Turkiga iyo Maraykanka ee jooga Somalia, balse aanay waligood ka helin taageero noocaas ah.

“Ciidamada Mareykanka iyo kuwa kale ee ka howlgala Soomaaliya oo heysta dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones wax jawaab ah kama bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer” ayuu yiri Musaveni.

Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.

Museveni ayaa kulankaas dhaleecayn ugu jeediyay Wadamada Soomaaliya ka taageera weerarada dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Askar ka badan 54 askari oo ka tirsan ciidanka Ugandha ee ka tirsan howlgalka ATMIS ayaa lagu dilay weerarkii saf balaaran ah oo Al-shabaab ay ku qaaday bishii hore saldhig ay ku lahaayeen degaanka Buulo mareer.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Heshiiskii Golaha Wadatashiga Fariina u dirtay

Cabdi Cade

Turkiga oo sameestay Diyaarado dagaal kadib Qalab milatari uu ka helay Britain

Cabdi Cade

RW Rooble iyo wafdi uu horkacayo oo goor dhow gaaray Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---