Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

HOLLAND: Urur Soomaali ah oo kaalinta 2aad ka galay tartan loo qabtay 346 ururo

Tartan sannadle ah oo loo qabto ururada ku shaqeeya waxa loo yaqaan “iskaa wax u qabso”  oo ka dhacay Magaalada Denhaag ee waddanka Netherland, ayna ka qeybgaleen 346 ururo ayaa waxaa kaalinta 2-aad ka galay ururka Himilo oo ah urur Soomaaliyeed oo fadhigiisu yahay Amsterdam.

Ururka Himilo, ayaa ah urur ay ku mideysan yihiin Jaaliyada Galmudug ee ka dhisan dalka Netherland, wuxuuna ururkaasi ka caawiyaa dadka Soomaalida ee ku dhaqan Amsterdam & nawaaxigeeda barashada luqada Soomaaliga, Dutch-ka, arrimaha la xiriira isdhexgalka, sidoo kale wuxuu dhiirageliyaa isku xirnaanta & wada-shaqeynta Soomaalida dhexdeeda.

Himilo, waxqabadkeedu kuma koobna Netherlands keliya waxeey sidoo kale mashaariic dhinaca horumarinta ah ka fulisaa gudaha dalka, waxaanna hadda ay gacanta ku haysaa mushruuc Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ka hirgelineyso [Guriga martida] oo noqonaya dhismo ballaaran oo loogu talogalay in ay ku shiraan dadka cuqaasha ah, dhismahaasi oo la filayo in sannadkan gudihiisa uu soo dhammaado.

Guddoomiyaha Himilo Cali Hassan [Cali Istiila] & Cabdikariin Maxamuud oo ah madaxa mashaariicda ayaa ka hadlay waxqabadka Himilo waxeyna sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin horumarka ay tiigsaneyso Himilo, iyaga oo u mahadceliyay dadka xubnaha ka ah.

https://www.youtube.com/watch?v=wVpjlb_JX3A

Related posts

Madaxweyne Xasan oo bogaadiyay ganacsato Mashruuc weyn ka fulineysa Muqdisho

Cabdi Cade

Dowladaha Soomaaliya & Kenya oo kala saxiixday heshiisyo Qarsoodi ah (Xog Muhiim ah)

admin

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Weerar kale oo ka dhacay gudaha Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---