Allbanaadir.com
NEWS

Taliyihii ciidanka Xoogga dalka oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo la magacaabay

GOLAHA WASIIRRADA OO MAGACAABAY TALIYAHA CUSUB EE CIIDANKA X.D.S

Muqdisho, 19 Juun, 2023–Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.

Related posts

Axmed Madoobe oo ka hadlay Shirkii Garawe Eedeyna u jeediyay Dowlada Federaalka

Cabdi Cade

Abwaan caan ah oo Qeylo dhaan ka keenay Dhul uu leeyahay oo Imaaraadka laga iibinayo

Cabdi Cade

Maxay ka wadahadleen RW Xamse iyo madax uu kula kulmay Baxreyn? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---