Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeya DF iyo dowlad Goboleedyada oo Kismaayo ka furmay (Sawirro)

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamul goboleedka Jubbaland si rasmi ah uga furmay shirka isku dabbaridka xasilinta Qaran oo ay soo agaasintay wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa furay shirkan u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxa uuna sheegay in shirka ka rajeenayo in kasoo baxaan qodobo wax ku ool ah.

Shirkan isku dabbaridka xasilinta Qaran ee ka furmay Magaalada Kismaayo  waxaa kasoo qaybgalay wasiirrada arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada dalka, Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda  Gobolka Banaadir, Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda F oo ay shaqadoodu la xiriirto arrimaha Xasilinta iyo Saaxibada caalamiga ee Soomaaliya ka taageera Arrimaha Xasilinta.

Dowlad goboleedka Puntland ayaan qeyb ka aheyn shirkan maanta ka furmay magaalada KIsmaayo, Puntland ayaana horey isaga diiday in ay ka qeyb gasho shirarka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Duqa caasimada Rwanda ee Kigali oo hal arrrin u balanqaaday Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo Fogaan arag kula shiray Guddi uu dhawaan Magacaabay

Cabdi Cade

Qarax xoogan oo lagu dilay Gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntiland oo ka dhacay Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---