Madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) uu wehliyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan loo magacaabay Cabdullaahi Axmed Sufurow ayaa la kulmay qaar kamid ah Odayaasha Baladweyne.
Kulanka ayaa sida aan wararka ku helnay looga hadlay xiisada ka taagan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne, taa oo ka dhalatay xil ka qaadistii madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay guddoomiyihii Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.
Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ayaa odayaasha uu la kulmay ka codsaday in xaalada magaalada dejiyaan, waxa uuna ka dalbaday in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan.
Xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiye Cali Jeyte ayaa xiisad ka abuurtay gobolka Hiiraan , Cali Jeyte ayaana si cad uga soo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay, waxa uuna cadeeyay in ay ka baxeen Hirshabelle lana baxeen Hiiraan State.
Xildhibaannada beesha Xawaadle ku matela baarlamaanka federaalka Soomaaliya intooda badan ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyaha Hiiraan, waxa ayna si kulul u dhaliileen madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe.