Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad ugu yeertay dadkeeda sannadkan xajinaya in ay iska yareeyaan Sawirrada ay galayaan

Muslimiin badan oo daafaha dunnida ka kala tagaya ayaa wali kusii qul qulaya Boqortooyada Sucuudiga, si ay sannadkan usoo gutaan waajibka Xajka oo kamid ah shanta tiir ee Islaamka.

Wasaaradda Xajka ee dalka Induniisiya ayaa  xujeydeeda dalkaasi kasoo jeeda ee sannadkan nasiibka ub yeeshay in ay xajiyaan  ugu yeertay inay ka reebtoonaadaan inay sawirro selfie-ah ku galaan Dhagaxa Madow ee Kacbada.

Afhayeenka wasaaradda, Akhmad Fauzin ayaa yiri: “Iska qaadista sawirro ‘lalmis’ ah waxay luminaysaa hadafka iyo yoolka loo yimid oo ah in xagga Eebbe la isku wada jeediyo marka la gudanayo acmaasha Xajka.”

Sannadihii tagay waxaa aad u xoogeystay sawirrada selfie-ga ah oo la iskaga dhex qaadanayo kacbada iyo xujeyda dhexdeeda – xilli ay dawaafayaan.

Culimada diinta ayaa ugu yeeraya xujeyda inay xajkooda ka ilaaliyaan istustuska oo ay iska yareeyaan sawirrada badan. Laakiin maadaama xajku yahay dhacdo nololeed qof nasiib leh Eebbe u garto inuu booqdo gurigiisa, dad badan ayaa jecleysta inay xusuus ahaan iskaga qaadaan sawirro ay la wadaagi karaan ubadkooda, ehelkooda iyo saaxiibadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

13 ka mid ah la heystayaashii Israel oo ku dhintay duqeynta ku socota Gaza

Caydiid Ali

Wasaarada Arrimaha dibeda ee Somalia oo su’aalo weydiisay danjiraha Imaaraadka Carabta

Caydiid Ali

Turkiga oo Shaaciyay in aan lagu qasbi karin in Sweden u ogolaadaan in ay NATO ku biirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---