Allbanaadir.com
NEWS

Dad ku dhaw 100-qof oo u geeriyooday kuleel xad-dhaaf ah iyo Digniin lasoo saaray

Dalka Hindiya waxaa ka jira kuleel xad-dhaaf ah , waxaana kuleelka dalkaasi qeybo kamid ah ka jira uu sababay dhimashada dad aad u badan iyo sidoo kale in uu yaraado isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Inta la xaqiijiyay 96 qof ayaa u geeriyooday kuleelka daran ee ka jira dalka Hindiya, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay sii kordhaan dhimashada uu sababay kuleelkan xad-dhaafka ah ee ka jira Hindiya.

Dhimashada ugu badan uu sababay kuleelka daran ee ka jira Hindiya ayaa ka dhacay gobolada  Uttar Pradesh iyo Bihar, waxaana la xaqiijiyay in gobolka Uttar Pradesh kaliya kuleelka jira ugu dhinteen 54-qof .

Masuuliyiinta dowladda Hindiya ayaa uga digaya dadka deegaanka, inay u baxaan debedda xilliga maalintii ah, waxayna kula talinayaan inay guryahooda ku sugnaadaan, maadaama laga yaabo in heer kulku uu kor u dhaafo 60 Celsius maalintii

Dadka u dhintay kuleelka xad-dhaafka ah ee ka jira dalka Hindiya ayaa u badan kuwo da’ ahaan ka weyn 60-sanno jir, waxaana isbitaalada dalka Hindiya yaalla dad badan oo dhibaato kasoo gaartay kuleelka, kuwaa oo xaaladooda lala tacaalayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xogta Kulamo aadan Madoobe la qaatay Safiirada dalalka UK & Imaaraadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Mashruuca Ramadaanka ee Hormuud Salaam Foundation oo manta la daah-furay (Sawirro)

Cabdi Cade

RW Khayre oo xalay saqdii dhexe kormeeray Isgoysyada & saldhigyada Booliska qaarkood (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---