Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi ka socda Bankiga Adduunka oo Muqdisho soo gaaray (Daawo Sawirada)

Wafdi ka socda Bankiga aduunka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxa ayna wafdigan kulamo la qaateen Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ay ku jiraan Wasiirada Maaliyada iyo Qorsheynta.

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa xafiiskiisa kula kulmay Wafdigan ka socday bangiga aduunka, waxa ayna labada dhinac kawada hadleyn mashaariic bangiga ka fulinayo Soomaaliya.

Wafdiga ka socda Bangiga Aduunka ayaa Muqdisho u yimid sidii ay Madaxda dowlada uga wada hadli lahaayeen taageerada bangiga siiyo dowlada Soomaaliya iyo mashaaric biyo galin ah uu bangiga ka fulinayo qeybo kamid ah Soomaaliya.

Bangiga aduunka ayaa dhinacyo badan ka taageera Soomaaliya, waxa uuna bangiga maalgaliyay mashaariic kala duwan oo dalka laga fuliyay, waxa uu sidoo kale bangiga aduunka qorsheenayaa in mashaariic kale dalka ka fuliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo amray in la bilaabo Dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Sacuudiga oo ku guuleystay Martigelinta Koobka Aduunka sanadka 2034

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo kahor yimid Habraacii doorashada ee soo saareen Golaha Wadatashiga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---