Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano shaaciyay in xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamulkaasi una badan garabka Kooxda Ahlu Sunna xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaanada ku shiray magaalada Dhuuso Mareeb ayaa tiradooda lagu shegay 147- waxa ayna Xildhibaanadan dood kadib cod u qaadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed  ayaa sheegay in Xildhibaano gaaraya 146 ay codka kalsoonida kala noqdeen Gudoomiye Cali Gacal, halka uu ka aamusay hal Xildhibaan.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha la sheegay in xilka laga qaaday ayaan wali ka hadlin kulanka ka dhacay Dhuuso Mareeb ee xilka looga qaaday, waxa uuna horey u sheegay in Xildhibaano uu aqoonsan yahay aysan joogin Dhuuso Mareeb.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya kula kulmay Haween (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Garsoorayaal Soomaali ah oo loo xushay dhexdhexaadinta Ciyaaro caalami ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Burcad hubeesan oo dhac u geesanayay dad Shacab ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---