Allbanaadir.com
NEWS

Kulan Xasaasi ah oo caawa dhax maray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Waxii looga hadlay

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka dhacay kulan albaabada u xirnaayeen oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka labada madaxweyne u dhaxeeya ayaa looga wada hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan heshiiskii ay gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee muddo kororsiga loogu sameeyay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.

Sheekh Shariif ayaa la sheegay in madaxweynaha kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin  arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka, muddo kororsiga, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha la dagaallanka argagixisada, arrinta Gedo, colaadda Laascaanood iyo colaadaha kasoo cusboonaaday qaybo ka mida gobollada dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo dhawwaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan uu la yeelanayo siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda, kuwaa uu kala hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariye Caan ah oo geeriyooday isaga oo tabinayay Ciyaartii Argentina iyo Holland

Cabdi Cade

Danjire Khalafallah Babakar oo laga gudoomay nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka soo baxay wadahadal Ruushka & Ukraine ku yeesheen Turkiga? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---