Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Madaxweyne 51-sano jir ah oo kubad u ciyaaray Xulka Qarankiisa (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa qeyb ka noqday ciyaar saaxiibtinimo ay wada ciyaarayeen xulka Qarankiisa iyo sidoo kale xulka Nageria, waxa ayna ciyaartan aheyd mid xiiso gaar ah leh oo si weyn loo daawaday.

Ciyaaryahankii hore ee naadiga reer Talyaani ee AC MilanĀ George Weah oo hada 51-sano jir ah ayaa ciyaaray 79-daqiiqo, waxaana xulka qarankiisa looga adkaaday ciyaartaasi 2 gool iyo hal gool.

Kulankan saaxiibtinimo ay wada ciyaareen xulalka Liberia iyo Nageria waxaa safnaa xidigo waa weyn oo caan ah kana ciyaara Horyaalka Ingiriiska, waxaana xidigahaasi kamid ahaaĀ Wilfred Ndidi, Peter Eteb iyoĀ Kelechi Iheanacho, waxa ayna u safnaayeen Nageria.

Ciyaartan saaxiibtinimo ayaa lagu maamuusayayĀ Ā funaadadda lambarka 14-aad uu xiran jiray Madaxweyne George Weah oo howl gab laga dhigayay, waxa uuna Madaxweyne Weah caan ku ahaa Numberkan hada loo xareeyay.

George Weah ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyay ee Afrikaan ah oo ay FIFA siisay abaal marinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan sannadka, waxa uuna ahaa ciyaaryahan magac iyo sumcad ka sameeyay kubada cagta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay Qalab casri ah (Daawo Sawirada)

admin

Ilaalada Siciid Deni oo aad u hubeesan oo Muqdisho kasoo degay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska DF oo sheegay iney qabteen askari darawal bajaajle ku toogtay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---