Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xiray dufcado ka mid ah ciidamada maamulkaas oo muddo lagu carbinayey kulliyaddo kala duwan maantase loogu soo xiray tababarka Kulliyadda Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne ee duleedka Waqooyi Bari ee Caasimadda Hargeysa.
Munaasibadda tababarka loogu soo xidhayey ciidamadan oo ay madaxweynaha kala qayb-geleen wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada miolateriga iyo Booliska, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada ku soo biiray ee tababarka qaadatay, waxana lagula dardaarmay inay bulshadooda u adeegaan.
Ugu horrayn, taliyaha ciidanka Milateriga Somaliland, Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamada saaka tababarka loo xidhay iyo goobihii kala duwanaa ee ay carbiska kusoo qaateen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in tacab badan la geliyey ciidamadan, loogana baahan yahay inay dadkoodaba ka difaacaan wax uu ugu yeeray gardarrada Maamulka Puntland ku soo qaadeen Somaliland.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba, waxana uu tilmaamay inay ku soo biireen ciidamo Sharaf leh oo xuquuqaha Aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ciidamada, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey tababarka u dhammaaday, waxana uu caddeeyey inay ciidanku yihiin astaan nabadeed dhaxanta iyo goobaha naf waaga u taagan sidii muwaadiniintu ugu seexan lahaayeen nabad,
,“Waxan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee ee habeen iyo maalinba u heegan inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan. Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoog weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah” ayuu yiri Muuse Biixi.
Madaxweynaha ayaa ciidanka cusub u sharraxaya qiimaha ciidanimadu leedahay.
“Waxad ku abtirsanaysaa ciidanka qaranka oo ilaa intii dalkani jirey difaaciisa iyo gobonnimadiisa u soo dhimanayey oo ilaalinayey, waxad ku abtisanaysaan geesiyaashii SNM.” ayuu yiri Muuse Biixi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si kooban uga hadlay shaqaaqada ka aloosan deegaanno kamid ah gobolka Sool, waxana uu xusay inuu khilaafku yahay mid dhexyaalla gudaha bulshada reer Somaliland, isaga oo waxgaradka iyo indheergaradkana ugu baaqay in wada-hadal iyo walaaltinimo lagu dhammeeyo arrinta taagan,
“Khilaafka reer Sool iyo Somaliland waa mid Somaliland iyo Sool ka dhexeeya, dal kastana dadka joogaa wax bay kala tirsadaan, reer Sool-na waxan leeyahay diyaar baannu u nahay inaynu walaaltinimo iyo nabad ku xallinno, khasaarena intii dhacday inoogu filane inaynu nabad ku xallinaa baan idiinku baaqayaa, wixii waxgarad ah ee nabad doonaya, qofka aan nabad doonayn ee khasaaraha ku sii socdana waxan u leenahay talo ciidan oo adag oo dadka badbaadisa.” ayuu yiri Biixi.