Allbanaadir.com
NEWS

Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan oo kala saxiixday heshiis cusub

Wakiilo ka socda Sacuudiga iyo Maraykanka ayaa xalay ku dhawaaqay inay Kooxaha ku dagaalamayo dalka Sudan ay ku heshiiyeen Xabbad-Joojin cusub oo muddo 3 maalin ah soconeysa.

Heshiiskan ay wada gaareen Ergooyinka ka kala socda Ciiddanka Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ayaa waxa uu dhaqan galay saaka oo Axad ah, abaarihii 6:00 Aroornimo ee xilliga dalkaasi.

Xabbad-joojinta cusub oo ah 72 saacadood waxay socon doontaa ilaa bishan June 21-da sida heshiiska ku xusan

Xabad joojintan cusub ayaa ku soo beegantay, iyadoo bishan June 19-da la qaban doono Shirweynaha Deeq-bixiyayaasha Caalamiga, si looga hadlo Gargaarka dadka ku dhibaataysan Dagaalka ka socda dalka Sudan.

Dhinacyada Sudan ayaa marar badan gaaray xabad joojin tan la mid ah, hase ahaatee waxaa lagu eedeeyey iney si isdaba joog ah ugu xad gudbayeen xabad joojinadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu Cali Guudlaawe kala hadlay danjire Ahmed Jumca Al-Rumeysi (Sawirro)

Caydiid Ali

Dab Khasaaro badan oo dhimasho ah dhaliyay oo xalay qabsaday guri kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

RW khayre oo caawa booqday goobaha bulshadu ku kulanto ee Magaalada Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---