Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciyaal weero dil u geysatay wiil dhalinyaro ah oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Booliska magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney soo xireen koox ka tirsan dhalinyarada ciyaal weerada loo yaqaano oo lagu tuhunsan yahay iney wiil dhalinyaro ah dil kula kaceen.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu in raggan oo sadex nin ka kooban la xiray ayna socdaan baaritaano.

“Tariikhdu markay aheyd 14/6/2023 abaaro 11:30Am ciidanka boliiska qeybta guud gaar ahaan qeybta galbeed howlgal ay fulinayeen ayaa waxa ay gacan ku soo dhigeen 3 eedeysane oo ciyaal weero ah kuwaasoo dil toorey ugu geystay wiil dhalinyaro ah, Waxayna ku xiran yihiin saldhiga boliiska dharkeynley.

Booliska ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado baaritaanka raggan la marin doono Cadaalada.

Inkastoo ciidanka amaanka DF ay wax badan ka qabteen dhibaatooyinka ciyaal weerada ku hayeen xaafadaha Muqdisho qaarkood haddana kooxahan ayaa weli dilal iyo dhibaatooyin kale ka wada Meelo ka mid ah caasimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Marwada 1aad ee dalka oo dhagax dhigtay dhismaha Isbitaal cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo dalka ku soo celisay tahriibayaal ku xanibnaa Liibiya (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Muran soo kala dhex galay Cumar Filish & Taliye Xijaar oo & Baladwayne oo qarka u saaran..

admin
Taboola Ads ---