Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Wiil Soomaali ah oo laga helay jidka tareenada Magaalada Marburg

Goobta Tareenada laga raaco ee Magaalada Marburg oo ku taalla dalka Jarmalka waxaa meydkiisa laga helay meydka wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah

Mohamed Saxardiid ayaa ka mid ahaa dadka ku jiray Kaamka la keeno dadka magangalya-doonka ah ee Neustadt (Hessen), isagoo ka mid ahaa Soomaalidii sanadahan danbe tagay dalkaas.

Booliska Magaalada Marburg ayaa Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ku wargeliyey geerida Wiilkan Soomaalida ah ee tareenku jiiray.

Weli ma cadda in wiilkan uu tareenka isku dhigey iyo in kale. hase ahaatee Booliska ayaa sheegay iney Baaritaano socdaan, marka ay dhamaadaana ay natiijada baaritaanka soo saari doonaan wixii ka soo baxa.

Soomaalida ku nool dalka Jarmalka ayaa lagu qiyaasaa illaa 60 kun oo qof sida ay muuinayaan tirakoobyo qiyaas ah oo la sameeyey, iyadoo sanadba sanadka ka dambeeya ay sii kordhayaan Soomaalida qaxooti ahaanta u galaysa dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa kuma Taliyaha cusub ee la wareegay Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka?

Caydiid Ali

Ganacsade u dacwooday Maxkamad Al Shabaab leedahay oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Ciidan ka qeyb qaadanaya Xureynta Ceelbuur iyo Galhareeri oo Dayniile laga diray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---