Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Putin oo qeyb ka mid ah hubka Nukliyerka geeyey dal aan la ogoleyn

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Ruushku Belarus u daabulay qaybtii u horreysay ee hubka nukleerka kaasoo uu xusay in la isticmaali doono oo kaliya haddii dhulka ama gobol ka mid ah dhulweynaha Ruushka lagu xad gudbo.

Belarus waa xulafada muhiimka ah ee Ruushka waxayna garab muhiim ah u ahayd duullaanka buuxa ee Ruushku uu ku qaaday Ukraine bishii February ee sanadkii hore.

Mr. Putin ayaa sheegay in daabulista madaxyada taatikada ee hubka Nukliyeerka la dhameyn doono dhamaadka xagaaga.

Madaxweynaha Ruushka oo ka jawaabayay su’aalo ka dib khudbad uu ka jeediyay madasha dhaqaalaha caalamiga ah ee St Petersburg, ayaa sheegay in tallaabadani ay ku saabsan tahay “xakamaynta” iyo in la xasuusiyo cid kasta oo “ku fikiraysa inay nagu hayso guul-darro istiraatiiji ah”.

“Maxaynu ugu hanjabaynaa adduunka oo dhan? Waxaan horay u sheegay in isticmaalka tallaabooyin xad-dhaaf ah ay suurtagal tahay haddii ay jirto khatar ku wajahan qaranimada Ruushka.” ayuu yiri Putin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Jidadka Magaalada Muqdisho qaarkood oo maalintii labaad xiran & boqolaal qof oo..

Caydiid Ali

Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo Muqdisho lagu Weeraray

Caydiid Ali

Maxaa ka run ah halista laga sheegayo talaalka AstraZeneca ee Somalia la keenay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---