Dal walba oo qaran ah oo haysta madaxbanaani buuxda waxey dowladiisu masuul ka tahay wadajirka dhuleed ee dalku leeyahay iyo difaacidda xuduudaheeda, waxeyna dowladu bixisaa ruqsooyinka lahaanshaha dhulalka oo dadka ay siiso ay u aqoonsan tahay iney sharci ahaan leeyihiin milkiyadooda, waxeyna jiritaanka sharciga u degsan dowladda ay dadka ka reebeysaa iney sifo sharcidarro ah ku sheegtaan dhul aysan dowladdu u diiwaangelin lahaanshahooda, taas oo meesha ka saareysa in ay beelo qabiil ahaan si sharcidarro ah u sheegtaan lahaanshaha degmooyin ay maamuleyso dowladdu oo sharciyeynta dhul bixinta ay u wakiilatay dowladaha hoose ee dalka ka jira oo ay dowladda dhexe bixiso jiritaanka aqoonsigooda.
Degaanada ka baxsan degmooyinka waxey hoos yimaadaan xuduudaha degmooyinka ay ka tirsan yihiin, waxaana sharci ah in guryaha, beeraha, ganacsiga, iyo baraaragaha ku yaala tuulooyinka in laga diiwaan geliyo degmooyinka ay ka tirsan yihiin, waxaana lagama maarmaan ah in tuulooyinka sida rasmiga ah ay dadku u degen yihiin iney yeeshaan maamul u gooniya oo hoos yimaada midka degmada ay ka tirsan yihiin, hasa yeeshee xeerarkaas ku dhaqankooda waxaa ka madaxbanaan dhulalka ay degen yihiin dadka reer guuraaaga ah oo aan meelna si rasmiya u degeneyn, kuwaas oo isaga dhex guura dhulalka miyiga ah iyo keymaha dalka.
Dowladda ku dhaqanta sharciga waxey masuuliyad adag ay ka saran tahay sidii ay isgu hayn lahayd wada shaqeynta wadajirka bulshooyinka kala duwan oo shacabkeedu uu ka kooban yahay, waxeyna xukuumadu ay si guud u dhowreysaa wada noolaashaha shacbkeeda, iyadoo ilaalineysa xuquuqaha iyo xoriyadaha wadaniyadeed oo ay dadku xaq ugu leeyihiin iney dalka meeshii ay doonaan ay ka degi karaan, dowladuna ay sugeyso badqabkooda iyo xasilooni ku wada noolaashahooda, waxaana intaas u sii dheer iney dowladdu ka hortagto kuwa caadifeysan oo xuquuqaha deegaanka ku soo koobaya iney iska leeyihiin beelo gaara, balse dadka kale ee la degen u arka marti soo gashay oo deegaanka qaxooti ku ah, sidasna aan degaanka wax xuquuqa ugu lahayn, isla markaasna marka la rabo degenaanshaha loo diidi karo ama deegaanka laga cirdeyn karo.
Burburkii dowladnimada Soomaaliya ku dhacay waxtarka keliya ee laga helay wuxuu ahaa in dad badan oo gobolo kala duwan kala degenaa ay si weyn isku dhex galeen, waxeyna taas sababtay in dad badan oo deganaa goboladar koofureed ay soo degeen gobolada ku yaal bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, meesha taas bedelkeeda dad badan oo degenaa bartamaha iyo goboladda waqooyi ay iyaguna u soo guureen iney degaan goboladda koofureed, waxaana sidaas ku dhashay isdhexgal bulsho oo ay ka dhex curatay walaaltinimo ku saleysan kalgacaltooyo xidid iyo xigaalnimo, waxaana amaan mudan in dadkii gobolada koofureedka ka guurey ay soo dhoweyn wanaagsan kala kulmeen goboladda bartamaha Soomaaliya iyo kuwa waqooyiga, sidaas si la midana ay sameeyeen gobolada koofureed oo ay soo dhoweeyen dadkii gobolada koofureed soo degey, iyagoon kala kulmin iskacaabin lagu diidan yahay.
Dowladda iyo shacabka Soomaalida waxaa looga wada baahan yahay iney si wadajira uga wada shaqeeyaan wanaaga guud ee ummadda Soomaaliyeed oo ah iney shacabku nabad ku wada noolaadaan, lana sii xoojiyo wanaajinta isdhexgalka shacabka gobolada kala duwan ku kala nool, lagana hortago kuwa sharta ku kala irdheynaya shacabka walaalaha ah oo dal iyo dowlad keliya ay ka wada dhexeyso, ayna wada xakameeyaan xasaradaha caadifeysan oo lagu kicinayo gorgortan siyaasad beeleed aad u liita oo ku bilowda qiiro careysan, kuna dhamaada fashil ay ka dhalato khatar halisa oo kala dhantaasha bulshooyinka wadanool oo xumaanta waxyeeladeedu ay ka dhalato fidno gelisa dab duufaana dhamaan gobolada dalka oo dhan.
Ciidanka mileteriga waa wadaniyiin ah naftooda hurayaal oo u taagan difaaca dalka iyo dowladiisa, waana ciidan qaran oo waajibaadkoodu yahay u adeegida danta guud ee dalka, waxeyna ka madaxbanaan yihiin dano qabiil, kuwo gobolo, iyo kuwa dariiqo diimeedyada, waxaana cid walba ka mamnuuca in ciidanka qaranka aan wax gefa oo sumcadxumo ah aan loo geysan karin ama aan la dili karin ciidanka dalka oo ku lebisan dharka mileteriga oo weliba xiran astaanta qaranka, haddii ay taasi dhacdana ay noqoneyso cadow duulaan ku soo qaaday dowladda dalka, hasa yeeshee waxaa mar kasta furan qadka turxaan bixinta qaladaadka ay ciidanka mileteriga u geystaan maamulada rayidka ama shacabka oo xal u helidooda lagu dhameeyo xiriir wadahadal oo isfahan sharci ku dhisan.
Waxaa nasiibdarro aan la mahdin ah dagaaladda macnodarrada ku dhaca oo marar badan ay isku dhacyo ka dhex sameeyaan qeybo ka wada tirsan ciidanka mileteriga ama ah kuwo u kala dhexeeya qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida, kuwaas oo inta badan ku dagaalama magaaladda Muqdisho dhexdeeda ama gobolada dalka, waxaana ayaadaradda ugu weyn ay ka dhacdaa marka dad ay liidato fahamkooda siyaasadda ay maciin bidaan iney xasaradaha ka dhasha isku dhacyada ciidamada ay u rogaan dagaalo beeleed oo ay ku doonayaan iney ku kala fogeeyaan dad deegaan ahaan nabad ku wada nool oo isdhexgal bulsho wadaaga oo xigto iyo xigaal wada noqday.
Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud iyo ku xigeenkiisa Mudane Raisulwasaare Xamze Abdi Barre waxaa la gudboon iney xooga saaraan adkeynta xargaha isku haya wadajirka, isdhexgalka, wada shaqeynta iyo wada noolaashaha bulshooyinka kala duwan oo ah hal shacab oo ku mideysan hal dowlad iyo hal dal oo haddana leh wadaniyad mida oo aan ku saleysneyn goboleysi, beeleysi, iyo dariiqo diimeedyo, waxaana looga baahan yahay madaxda sare ee dowladda iney maamul goboleedyada kala dagaalanto xagjirnimada wadniyad goboleedyada beeleysan oo dadka ay maamulaan u kala saaraya kuwo wadaniyadda gobolka iska leh iyo kuwo aan lahayn, taas oo meel kadhac weyn ku ah wadaniyada ummadda Soomaalida oo ah mida keliya ee muwaadinka Soomaaliyeed uu ku leeyahay Jamhuuriyadda Soomaaliya meel kasta oo uu ka degen yahay.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com