Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey labo ajende oo culus (Daawo Sawirro)

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulankoodii Caadiga ahaa, uuna Shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal.

Kulankii Maanta ayaa Ajandihiisu ahaa

  1. Doodda iyo Ansixinta Wax-ka beddelka Dastuurka Galmudug oo ka dhigan muddo kororsi sanad ah oo ay sameysanayaan madaxda iyo heyadaha Galmudug iyo
  2. Ansixinta Qaraarka Xukuumadda ee Degmeynta Degmooyinka Cusub ee Galmudug.

Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa lagu Ansixiyey laguna meel mariyey Wax-ka beddelka Dastuurka Galmudug iyo Degmeynta Degmooyinka  Bandiiradley, Dhabad iyo Galinsoor, kadib markii ay buuxiyeen Shuruudihii Degmanimo, Soona mareen Habraacii Shuruudaha Degmanimo iyaga oo ka mid noqdaan Degmooyinka Dawlad Gobaleedka Galmudug.

Kulanka Baarlamaaanka oo ay soo xaadireen 49 mudane ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey Degmooyinkaas iyo Dib u eegista Dastuurka Galmudug

Qaar kamida Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Gudoomiyaasha Degmooyinka Galinsoor Dhabad iyo Bandiiradleey ayaa Guddoonka iyo Baarlamaanka  uga mahad-celiyay Ansixinta Degmeynta Galinsoor Dhabad iyo Bandiiradleey iyo wax ka beddelka Dastuurka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahin: Mareykanka oo Xayiraad kusoo rogay Madax katirsan DF iyo kuwa hore

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo digniin culus siiyey shacabka

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta: “Ma aqbaleyno boobka qaawan ee doorashadu ku bilaabatay”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---