Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland iyo Wasiir kale

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka looga qaaday wasiirkii amniga maamulkaasi Cabdisamad Maxamed Galan iyo wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Cabdiweli Mire Xirsi.

Madaxweyne Deni wareegtada xil ka qaadista uu soo saaray kagama uusan hadlin sababta keentay in uu xilka ka qaado wasiiradan katirsanaa maamulkiisa , kana mid ahaa xubnaha aadka ugu dhaw dhaw.

Sida aan wararka ku helnay madaxweyne Deni iyo wasiiradan uu xilka ka qaaday ayaa muddooyinkan siyaasad ahaan aad u kala fogaa, wasiirka amniga ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Halkan ka akhriso wareegtada uu soo saaray madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.

2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Booliska Muqdisho oo soo bandhigay Burcad & Ciyaal weeraro la soo qabqabtay

Caydiid Ali

Dhismaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo Shir laga yeeshay (Sawirro) 

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo Guddoomiyay Shir arrimo kala duwan looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---