Weerar xooggan oo dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa xalay lagu qaaday dugsi sare oo gaar loo leeyahay oo kuyaalla deegaanka Mpondwe ee degmadda Kasese ee galbeedka dalka Uganda.
Maleeshiyaad hubeesan ayaa xalay abaaro 11-kii habeennimo weerar ku qaadeen iskuulka Lhubiriha Secondary , waxa ayna halkaasi ku laayeen qaar badan oo kamid ah ardaydii iskuulka dhiganeysay halka qaar kalana afduub ahaan u wateen.
Inta la xaqiijiyay 25 arday ayaa weerarkan ku dhimatay, waxaa sidoo kale dhaawacyo culus oo halis ah soo gaareen 8-arday oo kale ,kuwaa oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo isbitaal kuyaalla Uganda.
Weerarkan oo ka dhacay meel ku dhaw xadka dalalka Uganda iyo Koongada Dimuquraadiga ayaa lagu tuhmayaa in ay geesteen maleeshiyaad taabacsan kooxda la magac baxday ciiddanka Isbahaysiga Dimuqraadiyada.
Kooxda weerarka geesatay ayaa dab qabadsiiyay qeybta jiifka ee iskuulka Lhubiriha Secondary, waxa ay sidoo kale kooxdan boob u geesteen raashinkii iskuulka yaalay iyo agabyo kale oo muhiim ah.
Ciidanka milatariga dalka Uganda oo gaaray deegaanka weerarku ka dhacay ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah kooxdii weerarka geesatay, waxa ayna ciidamada isku dayayaan in ay soo bad baadiyaan ardayda kooxdan afduubatay oon tiradooda rasmiga ah laheyn.