Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo dalka Serbia kula kulmay Mufti Sheekh Mustafa Jusufspahić (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa maanta la kulmay Hogaamiyaha Jameecadda Islaamka ee Jamhuuriyadda Serbia Mufti Dr. Sheikh Mustafa Jusufspahić.

Guddoomiye Madaale ayaa Mufti Dr. Sheekh Mustafa ku bogaadiyay kaalintiisa xoojinta Islaamka iyo Walaaltinimada dadka Soomaaliyeed, iyadoona Mufti Dr. Sheekh Mustafa u Duceeyay Soomaalidda meel walba ay aduunka ka joogaan, in uu eebe ka dhigo dal nabdoon oo barwaaqo ah, isla markaaba quluubta Soomaalida eebe isku duwo.

Kulanka ayaa waxaa Duqa Muqdisho ku wehliyay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha xiriirka dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, La-taliyeyaal sare oo ka tirsan Dowladda Hoose ee Xamae iyo Diplomaasiyiin ka howl-gala Safaaradda Soomaaliya ee Serbia.

Related posts

(Akhriso) Siyaasiyiin caan ka ah Puntland oo masuuliyad daro ku eedeeyey Deni

Caydiid Ali

Hoobiyeyaal caawa lagu weeraray qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Meyd saakay laga soo saaray dhismaha Dabaqii xalay kusoo dumay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---