Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Nin dhalinyaro ah ayaa maanta lagu dilay qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

Dilkan ayey dad goob joogayaal ah sheegeen iney ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan oo rasaas ku boobsaday ninkan oo suuqa dhex socday.

Wararka ayaa sheegaya in dilka ka dib ay goobta ka carareen raggii geystay ee bastooladaha ku hubeysnaa.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa sida caadada ah wax yar ka dib gaaray goobta falka dilka ah uu ka dhacay, iyagoo halkaas ka sameeyey howlgalo kooban, lamana oga illaa hadda waxa uu ahaa ninkan dhalinyarada ah iyo sababta loo dilay.

Qeybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha oo maalmahan isku bedeshay kawaanka dadka ayaa mudooyinkii la soo dhaafay lagu dilay dad fara badan oo isugu jiray askar, shaqaale dowladeed iyo shacab kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Cosoble oo Fariin Cajiib ah u diray Beeshiisa oo diidan Madaxweyne Cali Guudlaawe

Cabdi Cade

Xildhibaan Aadan Keynaan oo xil sare ka qabtay Xisbiga talada Kenya haya

Cabdi Cade

Faahfaahin: Taliyihii Ilaalada Guddoomiyaha Sh/dhexe oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---