Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ay sannad walba bixiso hay’adda Central Banking ee fadhigeedu yahay waddanka UK
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa abaalmarintaasi lagu guddoonsiiyey xaflada aad loo soo agaasimay oo ka dhacday magaalada London.
Guddoomiyaha oo hadal mahad celin ah ka jeediyey madasha xafladdaasi ayaa abaal marintan ay tahay guul u soo hoyatay shacaabka Soomaaiyeed oo astaan u ah hufnaanta maamulka dhaqaalaha DF.
“Jaa’isaddani waxay daliil u tahay dadaalka dheer ee shaqaalaha iyo maamulka Bankiga Dhexe ku bixiyeen hirgelinta kaabayaasha maaliyadda dalka oo uu ugu horreeyo Hannaanka Lacag bixinta Qaranka” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Waxaa uu intaas ku daray in Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u dhiska iyo xasiloonida hannaanka maaliyadda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.