Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Dowlada Soomaaliya oo xil yaab leh u Magacowday Ex-Wasiir Goodax Barre

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaliyeed Maxamud Macallin ayaa lataliye sare u magacaabay Cabdullahi Qoodax Barre

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallin ayaa Goodax Barre loogu magacaabay La-taliye sare ee arrimaha sugnaanta cunnada ee hay’adda.

Goodax Barre oo ah rug caddaa siyaasadeed ayaa dalka ka soo qabtay xilal fara badan, isagoo dowladii Farmaajo ka noqday Wasiirka Waxbarashada.

Xilkan ayaa dadka taxliliya siyaasada waxay ku sifeeyeen mid aan jirin oo shaqo loogu abuurayo Cabdullahi Qoodax Barre, maadaama looga bartay inuu si adag u mucaarado dowladii aan xil u magacaabin, kaasoo ah dhaqan ay ka siman yihiin siyaasiyiinta Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Dhulgariir kale oo ka dhacay Gobolka Hatay ee dalka Turkiga(Sawirro)

Caydiid Ali

Wasaaradda Batroolka oo dib usoo celisay Heshiisyadii Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil 

Cabdi Cade

Dumarka Xil doonka ah ee u Gefeya Diinta Islaamka oo kusoo badanaya Soomaaliya !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---