Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Guddoomiye degmo oo ku gacan seyray xil ka qaadis lagu sameeyey & Xiisad ka dhalatay

Guddoomiyihii degmada Buulo burde ee gobalka Hiiraan Maxamed Axmed Rooble ayaa ka horyimid xil ka qaadis lagu sameeyey.

Wareegto ka soo baxday dhowaan Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilka looga qaaday gudoomiye Maxamed Axmed Rooble, waxaana lagu bedelay masuul cusub.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday ayaa sheegay inuusan hubin in xilka laga qaaday iyo in kale, maadaama aysan soo gaarin qoraalkii arintaas cadeynayey.

Sidoo kale, Waxaa uu sheegay gudoomiyaha in warqadaha xilka ka qaadistiisa lagu soo daabacay baraha Bulshada, taasina ay tahay sharci darom waxaana uu xusay in weli isagu uu yahay Guddoomiyaha saxda ah ee degmada Buulo Burde.

Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Hirshabelle ayuu ku eedeeyey iney xilka ka qaadistiisa u martay waddo sharci daro ah, sidaas awgeedna uu weli yahay guddoomiyaha rasmiga ah ee Buulo burde, uuna howshiisa si caadi ah u wato.

Xiisad ka dhalatay arrintan ayaa ka taagan degmada Buulo burde, iyadoo gudoomiyaha xilka laga qaaday uu diidan yahay inuu xilka wareejiyo.

Dhowaan ayay aheyd markii sidan oo kale Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee isla gobolka Hiiraan uu ka soo horjeestay xil ka qaadis lagu sameeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalal joojiyey lo’da laga soo dhoofiyo dalka K/Afrika & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

William Ruto oo shaaciyay cida maalgalineysa dibadbaxyada

Cabdi Cade

Hotel casri ah oo laga furay Garowe & Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---