Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) DF iyo IMF oo soo gebagebeeyey shir looga hadlay Barnaamijka ECF

Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka kaas oo looga hadlayay barnaamijka ECF( Extended Credit Facility) ee hannaanka Deyn Cafinta.

Shirkaan oo socday muddo 4 maalin ah ayaa lagu gorfeeyay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, dib-u-habeynta Maaliyadda, dakhliga gudaha, nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) iyo Maamul wanaagga. Waxa sidoo kale diirada lagu saaray sharuudaha Deyn Cafinta Soomaaliya iyo dhamaystirka barta go’aan qaadashada (Completion Point).

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan soo xiray ayaa sheegay in 4-tii maalin ee uu shirkaan socday diirada lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta oo inta badan Sharuudaha horumar wany laga sameeyay. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in tallaabooyin iyo wadashaqaynta hadda laga gaaray Barnaamijka ECF ee IMF ay ku dhawaynayso waddada dhammeystirka guud ahaan Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi M. Nuur ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ay sidoo kale xoogga saari doonto kicinta dakhliga gudaha, xoojinta hannanka daah-furnaanta Maaliyadeed iyo Maamul wanaagga oo muhiim ah arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska Somalia oo ka digay gaari Miineysan oo ku jira Muqdisho

Caydiid Ali

Isbadal nuucee ah ayuu u baahan yahay Xiligan Maamulka Jubbaland ?

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka XDS oo degmada Ceeldheer ka bilaabay abaabul dagaal (Sawirro)

Caydiid Ali