Allbanaadir.com
NEWS

Faahfaahin: Al-Shabaab oo askar badan ku leysay qarax ka dhacay gudaha Kenya

Sideed sarkaal oo ka tirsan booliska Kenya ayaa ku dhintay qarax haleelay baabuurkooda oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ka dhacay gobolka Garissa ee waqooyi bari oo xuduud la leh Soomaaliya, Talaadadii la soo dhaafay.

“Waxaan weerarkan ku weynay sideed sarkaal oo boolis ah,” waxaa sidaas yiri madaxa Booliska gobolka Waqooyi Bari John Otieno.

“Waxaan tuhunsannahay in tani ay tahay shaqada Al-Shabaab, kuwaasoo beegsanaya baabuurta ciidamada ammaanka iyo kuwa dadweynaha.”ayuu yiri taliyaha.

Kenya ayaa markii ugu horreysay ciidamo u dirtay Soomaaliya 2011 si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab, waxaana hadda ay ka mid tahay dalalka ciidamada ugu badan ku tabaruca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Kenya waxaa ka dhacay weeraro aargudasho ah, oo ay ku jiraan weerar Westgate Mall ee Nairobi oo 2013 lagu dilay 67 qof, iyo weerarkii Jaamacadda Garissa ee 2015 oo lagu dilay 148 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Haramcad oo kala dhax galay Ciidamo ku dagaalamay Dayniile iyo Saraakiil …

Cabdi Cade

Somalia oo la wareegaysa xil culus oo hoos taga Qaramada Midoobay

Caydiid Ali

Daawo:-Dowlada Soomaaliya oo Maanta qaaday talaabo ka Farxisay Ardayda Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---