Allbanaadir.com
NEWS

Galmudug oo ansixisay heshiiskii Golaha Watashiga Qaran gaareen (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin buuxda oo ku saabsan amniga iyo qorshaha dagaalka wajiga labaad ee argagaxisada looga xoreynayo deegaannada ay kaga suganyihiin dhulka Dowladda Galmudug ka dhageystay wasaaradda Amniga.

Intaas kaddib Goloha ayaa la hor keenay Hishiiskii Madasha Wadatashiga Qaran iyo sharciya doorashooyinka. Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ee horay u dhisnaa ayaa ka warbixiyay sida ay isu waafaqsanyihiin qodobbadii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatshiga Qaran iyo Sharciga Doorashooyinka. Golaha ayaana dood dheer kaddib cod aqlabiyad ah oo gacan taag ah ku ansixiyay Hishiiskii Madadasha Wadatashiga Qaran iyo Sharciga Doorashooyinka.

kulanka Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug ayaa sidoo kale maanta lagu ansixiyay sharciga dhulka Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa hor keentay Golaha xeerka degmeynta laba degmo, waxaa lagu ansixiyay shirka in loo aqoonsado Gadoon iyo Godinle laba degmo oo ka mid noqonaya degmooyinka Dowladda Galmudug.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha faray in la dardar galiyo howlaha shaqo ee xukuumadda oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhawaan billaaban doona.

Related posts

Sakariye Asad Faarax oo xukun dil ah lagu fuliyey (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Boqolaal qof oo ku dhintay mashaqo ka dhacday dalka India

Caydiid Ali

Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin la shaaciyay in Al Shabaab garab ku siinayaan dagaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---