Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xiliga Ciidamada Itoobiya bilaabayaan iney ka baxaan xadka Eritreya oo la shaaciyey

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka bixi doonaan goobaha soohdinta ah ee dalkaasi uu la wadaago Eritrea laga bilaabo maalinta Talaadada ah ee soo socota.

Arrintan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha labada dal ay dib u fureen baraha la isaga gudbo ee xuduudda labada dal halkaas oo ay colaadi ka taagnayd labaatankii sano ee u dambeeyey muran la xiriira xuduudda awgiis.

Kumanaan qof oo ay ku jiraan askar ka kala socota labada dhinac ayaa kala qayb galay hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya dib u furitaanka xuduudda magaalooyinka Burre iyo Zalambessa kuwaasoo labaatankii sano ee lasoo dhaafay ahaa furin dagaal oo labada dal u dhaxaysa.

Todobaadkii hore, ciidamo labada dhinac ka kala socda ayaa ka qayb qaatay hawgal lagu saarayey miinooyinka laguna qaadayey jid gooyooyinka kuwaas oo ragaadiyey ganacsiga iyo isu socodka dadka labada dal oo colaadi ay ka dhaxaysay tan iyo sanadkii 1998.

Heshiiskii ay qaramada midoobay garwadeenka ka ahayd ee la saxiixay sanadkii 2000 ayaan marna la dhaqan galin dalalkuna ay xaalad dagaal kusii jireen.

In ciidamada laga saaro deegaanada lagu muransan yahay ayaa markasta ahayd dalab ka imaanayey Eritrea- taas oo horay ugu eedaysay Itoobiya in ay jabisay heshiiskii sanadkii 2000 ee xuduudda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Joi Biden oo Dambiile dagaal ku tilmaamay Madaxweyne Vladimir Putin

Cabdi Cade

Al Shabaab oo War kasoo saartay Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee Muqdisho ka dhacay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday Xeer ilaaliyihii Qaranka mid cusubna magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---