La-taliyaha dhinaca Siyaasada ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada baarlamaanka qaarkood inay shaqo ka dhigteen hagardaamada iyo cabsi gelinta madaxda dowlada.
Tarsan ayaa sheegay in baarlamanka Soomaaliya uu dhinac iska dhigay waajibaadkii loo dhaariyey ee ahaa sharci dejinta, ayna ku jiraan ganacsi siyaasadeed iyo hagardaamada madaxda sare ee dalka.
“Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waqtigooda %90 waxaa qaata xildhibaanada baarlamaanka, halkii ay fursad ugu heli lahaayeen inay bulshada u adeegaan, waajibaadkooda Qarana gutaan” ayuu yiri Tarzan.
Tarzan oo horey u soo qabtay xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir kana mid ahaa musharaxiintii la tartamay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamanka qaarkood ayba aaminsan yihiin ineysan laheyn shaqo aan aheyn iney xukuumadda ridaan.
“Waxay mar walba ugu hanjabaan madaxda dowlada inay mooshin ka keenayaan haddii aysan ka helin danaha ay ka doonayeen, waxa ay ka hadlayaana maaha dan ummadeed ee waa dantooda gaarka ah sida in la siiyo xilal sare ama dhaqaale” ayuu intaa ku daray Tarsan.
Dhinaca kale xeer ilaalinta Qaranka ayuu ku eedeeyey ineysan jirin hal qof oo ay Maxkamad u soo taageen Musuq maasuq uu sheegay iney ku kaceen qaar ka mid ah madaxdii dowlada uu hogaaminayey Madaxweyne Xasan Shiikh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com