Allbanaadir.com
NEWS

Fadhiyada Golaha Shacabka oo la hakiyay iyo Sababta keentay oo la shaaciyay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 23-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ajendihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda iyo ajandeynta warbixinnada la xisaabtanka Xukuumadda.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu go’doomiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka, isla-markaana dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkan.

Kulanka ayaa soo kale looga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab xirka miisaaniyadda ugu dambeyn 30-ka Juun, si waafaqsan Qodobka 102aad Faqradda 1aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Related posts

Wasiirka Caafimaadka Xukuumada Somalia oo digniin culus u dirtay shacabka

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo la wareegtay degaan u dhexeeya Balcad iyo Jowhar

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo laga soo xigtay Hadalo saraakiil iyo dad badan layaab ku noqday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---