Allbanaadir.com
NEWS

Madaxtooyada Puntland oo lagu soo dhaweeyay Guddoomiyihii hore ee golaha Wakiiladda Somaliland (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan soo dhoweyn ah la qaatay Cabdirisaaq Khaliif Axmed, guddoomiyihii hore Golaha Wakiillada Maamulkii Somaliland.

Madaxda maamulka Puntland ayaana soo dhaweynta kaddib guddoomiyihii hore ee golaha Wakiiladda Somaliland kala hadlay xaalada ka taagan magaalada Laascood iyo sida xal lougu heli karo.

Guddoomiye hore Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu iska casilo xilkii uu ku hayay maamulka Somaliland uu ku eedeeyay in gabood falo ka geesteen magaalada Laascaanod.

Guddoomiyihii hore ee golaha wakiiladda Somaliland ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Somaliland iyo kamid ahaanshaha xisbigs xusbiga Waddani uu hogaankooda kamid ahaa.

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo Xariga ka jaray garoon Diyaaradeed oo la dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Gudoomiyihii Degmada Hodan oo xilka laga qaaday iyo Xil kale oo loo magacaabay

Cabdi Cade

Trump oo ka falceliyey cafiska uu Biden u fidiyey wiilkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---