Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda oo fuliyay howlgal lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab hubna lagu furtay (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen inta u dhexeysa Galcad iyo deegaanka Baraag shiikh Caamir ee gobolka Galgaduud ku dilay xubno katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in howlgalka qorsheesan ay fuliyeen ciidanka dowladda lagu dilay saddex xubnood oo katirsan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale howlgalka ay fuliyeen waxa ay kula wareegeen gaari nuuciisa yahay NOAH , waxa ay sidoo kale furteen hubkii ay wateen ragga la dilay.

Saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadu sii wadayaan beegsiga dagaalyannada Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo tuulooyin hoostaga degmada Ceeldheer.

Related posts

Siyaasiyiin iska celiyay Gaadiid dowladda laheyd iyo kuwa wali heesta oo Digniin loo diray

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Milatariga Sudan oo la wareegay xarunta Tv-ga iyo Raadiyaha iyo Afgambi…

Cabdi Cade

Garoonka Diyaaradaha Boosaaso oo laga dhigayo Mid Caalami ah oo Habeenkii shaqeeya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---